Kulan Uganda & EU kaga hadleen mustaqbalka AUSSOM oo natiijo la'aan kusoo idlaaday.

Thursday October 01, 2026 - 09:12:04
MeMO Staff
Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka ciidmada Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo dhibaatada amni ee ku gedaaman kasakow wajahaya caqabado dhaqaale, xilli dalalka AUSSOM ay baadi-goob ugu jiraan sidii xal loogu heli lahaa duruufahaasi.
Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee caasimadda Kampala, kula kulmay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Safiirka Midowga Yurub ee Uganda, haweenayda lagu magacaabo Eole Sury.
 
Sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda shaacisay, wada-hadalladu waxay diiradda saareen mustaqbalka duullaanka gardarrada ah ee Ciidamada Afrikaantu ay ka wadaan Soomaaliya, balse ma aysan sheegin wax natiijo ah oo haba yaraatee kasoo baxday kulankaasi.
 
Wajigabaxii kulankaasi kadib, Wasiirka Gaashaandhigga Uganda waxa uu ku adkeeyay weftiga Midowga Yurub in marka laga hadlayo mustaqbalka AUSSOM la tixgeliyo doorka ciidamada Uganda iyo kaalintii ay ka qaateen duullaanka lagu qaaday dalka Soomaaliya.
 
Kulankan oo sidoo kale uu ka qayb-galay Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Uganda, ayaa warbixintiisa aan lagu xusin wax ballanqaad cusub oo dhaqaale ah ama go’aan rasmiya oo laga gaaray mustaqbalka duullaanka gardarrada ah ee isbahaysiga AUSSOM.
 
Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa kusoo aadaya xilli uu mustaqbalka howlgalka AUSSOM uu wajahyo hubanti la’aan baahsan, kadib markii Maraykanku dhawaan si rasmi ah u shaaciyey inuu joojinayo maalgelinta saadka ee uu siin jiray ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences